Kismaayo ( Raxanreeb Online) Sida wararka anu heleyno ay sheegayaan madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa la sheegay inuu hordhac u ahaa mid ay khadka Telefoonka kuwada hadleen, isla markaana isla meel dhigeen in madasha wada-xaajoodka laisugu tago lagana wada hadlo arrimo laisku hayo.
Wada-hadaladan ayaa waxaa garwadeen ka ah dowladda Kenya, iyada oo hoggaamiye Jubbaland ku cadaadineysa inuu ogolaado in uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Geesta kale dhowaan madaxa sirdoonka dalka Kenya Nuurdiin Xaaji, ayaa gaaray magaaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland, isaga oo Axmed Madoobe u sheegay in dowladda Kenya ay aad u dooneyso inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Kismaayo, ayaa biloowday bishii November oo markii doorasho ka dhacday Kismaayo dib loogu doortay Axmed Madoobe, iyada oo dowladda federaalka ay gabi ahaanba qaadacday doorashadaasi, waxaana tan iyo markaas xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey dowladda goboleedka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply