Safiirkii hore ee Mareykanka oo cadeeyey sababta aysan kooxda AS u gaari weysay Somaliland iyo Puntland

Safiirkii hore ee Mareykanka oo cadeeyey sababta aysan kooxda AS u gaari weysay Somaliland iyo Puntland

Washington (Raxanreeb Online) Danjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre Jr ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay tahay in looga mahadceliyo in ay xakameeyeen Al-Shabab.

Safiirka ayaa si gaar ah uga hadlay in sababaha aysan al-Shabab u gaarin goobaha kale sida Puntland iyo Somaliland ay tahay in ciidamada Soomaaliya iyo saaxibadda caalamiga ah ay xakameeyeen.

“Waxa ay tahay in Somalilnd iyo Puntland ay gartaan ayaa ah waxa ay ciidamada qaranka ee Soomaaliya iyo xulufada caalamiga ah gaar ahaan Midowga Afrika, waxay sameeyeen inay ku xakameeyaan al-Shabab dhanka Koonfurta dalka, marka in ay yiraahdaan eega sida aan u wanaagsanahay oo weeraro al-shabab ah kama dhacan aaggeenna,” ayuu yiri safiirka.

Sidoo kale Danjire Larry Andre ayaa farta ku fiiqay in ciidamada Soomaaliya iyo saxaibbada caalamiga ah ay tahay in looga mahadceliyo howsha ay qabteen ee ah in Shabaab ay ku hor-istaageen koonfurta Soomaaliya.

“Waa in ay yiraahdaan waad mahadsan tihiin ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxabbadooda caalamiga ah oo iyagu al-shabaab ku hor-joosaday oo ku xakameynayay Koonfurta,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Larry Andre.

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyada oo ciidanka ay dib u xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay kawadaan deegaano iyo degmooyin katirsan gobollada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.