Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa codsaday in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo markii hore lagu waday inuu furmo maanta oo Sabti ah, sida ay horay u shaaciyeen guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Farriin loo diray xildhibaanada golaha shacabka iyo Senatorada Aqalka sare ayaa lagu wargeliyay in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga la qorsheyay, isla markaana uu si rasmi ah u furmi dooo 29-ka Sebtember.
Marka loo eego qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ee dalka, madaxweynaha Soomaaliya ayaa leh mas’uuliyada furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana la filaya inuu jeedo khudbad uu kaga hadlayo wax qabadka dowladda, inta uu fasaxa ku jiray Baarlamaanka.
Dib u dhigida kalfadhiga Baarlamaanka, ayaa ku soo beegmaya iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in Villa Somalia ay wado qorsho ay ku dooneyso in muddo kororsi 2 sanno ah ay ku sameeysto.
Sikastaba, xubnaha katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wada mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamsa, waxaana ay xildhibaanada wada mooshinka ay shegeen in fadhiga ugu horeeyo Baarlamaanka ay horgeeni doonaan guddoonka Baarlamaanka.

Leave a Reply