Muqdisho (Raxanreeb online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey ugu fashilantay qorshe ay ciidamo badan ku geysay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, ayaan wali ka harin qorshihii ay ku doonayeen in ay cadaadis ku saaraan maamulka Axmed Madoobe.
Sida wararkuu sheegayaan dowladda ayaa mar kale diyaarado ay ciidamo badan saaran yihiin ka dejineysa degmooyin katirsan gobolka Gedo, uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland, si ay cadaadis hor leh u saaraan Axmed Madoobe.
Sidoo kale, degmooyinka Baardheere, Garbahaarey iyo Beledxaawo ayey dowladda ciidamo hor leh oo katirsan milatariga Soomaaliya ku daadgureeneysaa, waxa ayna dowladda Federaalka dooneysa in guud ahaan maamulka gobolka Gedo laga bixiyo gacanta maamulka Jubbaland.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaan wali kasoo kaban ceybtii iyo fashilkii kasoo raacay ciidankii ay geysay deegaanka Raaskambooni, kuwaa oo noqday kuwa dhintay, kuwa Kenya isku dhiibay iyo kuwa ciidamada Jubbaland gacanta ku dhigeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xamse Barre, ayaa ku adkeesanaya in meesha ka saaraan jiritaanka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna labadan masuul qaadayaan tallaabo kasta ay u arkaan in Axmed Madoobe cadaadis ku saari karaan.
Leave a Reply