Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay jirdil loo geystay…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerar iyo jirdil bahalnimo ah oo maanta loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in falalka foosha xun ee ay geysteen askar ku labbisan shaati dowladeed aan marnaba la aqbali karin, islamarkaana ay ka fog yihiin bini’aadanimada iyo karaamada muwaadinka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa si gaar ah uga hadlay tacaddiga loo geystay oday da’ah, isagoo ku tilmaamay beegsiga noocaas ah mid dambi ah oo aan la indho-tiri karin. Wuxuuna ciidamada ammaanka uga digay in ay qaataan amarro qaldan oo shacabka lagu bartilmaameedsanayo.

Sidoo kale guddoomiyaha Madasha Samatabixinta ayaa masuuliyadda xadgudubyada ka dhanka ah bulshada caasimadda dusha uga tuuray madaxda sare ee laanta fulinta Dowladda Federaalka, kuwaas oo uu sheegay inay ka baxeen xayndaabka sharciga ilaalinta badqabka bulshada iyo haybadda dowladnimada

Leave a Reply

Your email address will not be published.