Mareykanka  & Dowladda oo ka kulmay fadeexdii lunsashada saadka ciidanka.

Mareykanka  & Dowladda oo ka kulmay fadeexdii lunsashada saadka ciidanka.

Muqdisho (Raxanreeb )- Markii uu soo baxday fadeexadii lunsashada saadka ciidanka waxaa markii ugu horeysay kulan magaaladda Muqdisho ku yeeshay saraakiil  kala socda dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka au ciidamada dowlada kula jirto kooxda Alshabaab

Booqashada Taliyaha ciidamada gaarka ee dalka Maraykanka Kornel David Haskell uu ku yimid dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan ay dowlada Soomaaliya qiratay in lagu takri falay saadka ciidamada Danab oo ay taageerto dowlada Maraykanka.

Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado dowladda.

Lama oga in kulanka maanta ee saraakiishan ka kala socotay Soomaaliya iyo Maraykanka ay yeesheen inay ka wadahadleen arrimaha musuqmaasuqa ee ciidamada gaarka ah ee Danab iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.