Mas’uuliyiin katirsan maamulka dowladda Hoose ee Burco oo la xiray

Mas’uuliyiin katirsan maamulka dowladda Hoose ee Burco oo la xiray

Burco ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya mas’uuliyiin katirsan dowladda hoose ee Burco oo maanta lagu xariga xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Amarka lagu xiray mas’uuliyiintaas ayaa lagu sheegay inuu ka yimid xafiiska Hantidhowrka Somaliland, kaasi oo ku eedeeyay xubnahan lunsasho hanti qaran.

Mas’uuliyiinta la xiray ayaa ka kooban todobo xubnood oo lagu kala magacaabo.

  1. Amiin Cabdillaahi Yaasiin – Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Degmada Burco
  2. Diiriye Sugaal Rooble – Madaxdii Jaangoynta Dhulka. 3. Cabdillaahi Muuse Maxamed – Xisaabiyihii Dawladda Hoose Burco. 4. Maxamed Xaaji Muuse Shire – Joomitir. 5. Faarax Muuse Siciid – Joomitir
  3. Cabdicasiis Jaamac Ismaaciil – Madaxa Iibka Dawladda Hoose Burco. 7. Maxamed Cali Xirsi – Joomitir.

Sidoo kale mas’uuliyiin ayaa dhammaantood waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne, waxaana la sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad lagu keeni doono si sharciga loo marsiiyo.

Geesta kale ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay mas’uuliyiintan la xiray iyo qaraannadooda oo ku saabsan eedaha loo soo jeediyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.