Maxay tahay “Khatarta amni ee ku soo wajahan Muqdisho.

Maxay tahay “Khatarta amni ee ku soo wajahan Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Safaaradda ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin la xiriirta xaaladda amni ee Muqdisho ,taasi oo lagu muujiyay cabsi laga qabo weeraro ay kooxda Al- Shabaab la damacsantahay xarumo dowladeed oo Muqdisho ku yaalla.

Warkan kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in la helay xog ku saabsan weerarro ka dhan ah xarumo dowladeed oo muhiim ah, Muqdisho na ku yaalla. Si gaar ah wuxuu Mareykanku tilmaamay in Garoonka Diyaaradaha Adan Adde uu kamid ah meelaha bartilmaameedka u ah khartan.

Dhankale , waxaa guud ahaanba la joojiyay dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho berri oo Talaada ah April 09- 2024 khatarta amni darteed.

Qoraalka kasoo baxay safaaradda waxaa lagu faafiyay mareegteeda internet-ka, waxaan qeybta faallada ka helaysaa lifaaqa koontada rasmiga ah ee lagu daabacay xogtan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.