Hoobiyaal lagu garaacay Villa Somalia & meelo ka mid ah caasimadda.

Hoobiyaal lagu garaacay Villa Somalia & meelo ka mid ah caasimadda.

Muqdisho (Raxanreeb )- Duqeyn madaafiic ayaa hadda ku socota magaalada Muqdisho waxaana la maqlaya dhawaqa hubka culus.

Duqeynta xooggeeda ayaa lagu garaacay madaxtooyada dalka iyo qeybo caasimadda ka mid ah.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay maqlayaan daranka hoobiyaasha ku dhacaya meelo badan oo caasimadda ah.

Si rasmi ah looma khasaaraha ka dhashay weerarkan hoobiyaasha ee laga maqlay magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.