Maxey kawada hadleyn safiirka Shiinaha iyo guddoomiyaha hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay maalgelinta mashaariicda adkaysiga iyo horumarinta bulshada, u diyaar-garowga ka hortagga fatahaadaha, hirgelinta waro iyo biyo-qabadyo waaweyn, dhisidda biyo-xireenno adag, qodista ceelal-biyood iyo adeegyo kale oo muhiim u ah nolosha.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii Dowladda Shiinaha ay u xoojin lahayd gargaarka bani’aadamnimo iyo sidii Hay’adda SoDMA looga gacan siin lahaa dhisidda keydadka deeqaha, sare u qaadista karaanka iyo aqoonta shaqaalaha, iyo bixinta agabyo kale oo lagama maarmaan u ah howlaha gurmadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.