Jowhar (Raxanreeb )- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray Masjidka Cali Gaduud ee laga saaray kooxda Alshabaab.
Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Taliyaha ciidanka xoogga Gen. Odowaa Yusuf Rage iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellaha dhexe Axmed Meeyre.
Si kasta Ciidanka Dowladda oo gacan ka helayo deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Jimca ah ay la wareegeen degaano hoos taga degmada Aadan Yabaal iyo degaanka Ruun-nirgood ee Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha Dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta in iyadoo aan dagaal dhicin kadib markii ay isaga baxeen kooxda Al-shabaab.
Masjidka Cali Gaduud ayaa ahaa deegaan muhiim u ahaa isku socodka iyo isku gurmashada Alshabaab.
Deegaanada ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay ku yaallan inta u dhaxeeysa degmada Aadan-Yabaal iyo degaanka Masaajid Cali gaduud.
Leave a Reply