Ciidanka Dowladda & kuwa Deegaanka oo la wareegay deegaano hor leh

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda oo gacan ka helayo deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Jimca ah ay la wareegeen   degaano hoos taga degmada Aadan Yabaal iyo degaanka Ruun-nirgood ee Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha Dowladda ayaa u  sheegay Warbaahinta in  iyadoo aan dagaal dhicin kadib markii ay isaga baxeen  kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka Dowladda ayaa si buuxda ula wareegay meelo ay ku sugnayeen kooxda Al – Shabaab oo hoos yimaada Aadan- Yabaal wuuna jabay cadowga ” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka tirtsan Golaha shacabka  ayaa  sheegay inay soo dhamaatay oraahdii aheyd ciidamada Mudullood way soo dil-dilloomayaan ee uu dhawaan sheegay Xildhibaan Sanbaloolshe, isagoo sheegay in uu ku qancay hadalkaas maadaama uu ahaa dhiirri gelin.

Howlgalkan ayay saraakiishu sheegeen in uu sii socon doono ilaa ay ka saaraan guud ahaan gobolkaas kooxda Al Shabaab oo muddo sanadaha maamulayeen.

Deegaanada ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay ku yaallan inta u dhaxeeysa degmada Aadan-Yabaal iyo degaanka Masaajid Cali gaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.