MD Cali  Guudlaawe oo kulan amniga looga hadlay ku qabtay Masjid Cali-gaduud.

Jowhar (Raxanreeb )- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray Masjidka Cali Gaduud ee  laga saaray kooxda  Alshabaab.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Taliyaha ciidanka xoogga Gen. Odowaa Yusuf Rage iyo guddoomiyaha gobalka Shabeellaha  dhexe Axmed Meeyre.

Si kasta  Ciidanka Dowladda oo gacan ka helayo deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Jimca ah ay la wareegeen   degaano hoos taga degmada Aadan Yabaal iyo degaanka Ruun-nirgood ee Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha Dowladda ayaa u  sheegay Warbaahinta in  iyadoo aan dagaal dhicin kadib markii ay isaga baxeen  kooxda Al-shabaab.

Masjidka Cali Gaduud ayaa ahaa deegaan muhiim u ahaa isku socodka iyo isku gurmashada Alshabaab.

Deegaanada ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay ku yaallan inta u dhaxeeysa degmada Aadan-Yabaal iyo degaanka Masaajid Cali gaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.