MD Xasan miyuu dib- u bilaabayaa howlgalkii AS ee hakadka galay ?

MD Xasan miyuu dib-  u bilaabayaa howlgalkii AS ee hakadka galay ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxweynaha DFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halgaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay AS  kaga suganyihiin  Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Xudur ka sheegay inuu ku laaba doono Dhuusamareeb, isla markaana maalmo kooban gudahood ay kooxda ku soo dhaafi doonaan galbeedka Hiiraan, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka oo lagu xorey doono K/Galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa horey saldhig uga dhigtay magaalada Dhuusomareeb uu ku sugnaa muddo labo bilood ah, waxa uuna madaxweynaha galabta mar kale dib ugu laabtay magaaladaasi uu ka hoggaamin doono howlgalo cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.