Garoowe ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wiil dhallinyaro ah xalay lagu dilay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.
Goob joogayaal ayaa ku waramaya in meydka wiilka dhallinyarada ah laga helay buurta Nike oo koonfur Bari kaga beegan magaalada Garoowe.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in marxuumka la ceejiyay sidoo kalana Kilida iyo bowdada looga dhuftay Tooreey, balse aan la ogeyn dadka ka dambeeyey dilka iyo sababta loo dilay.
Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Khadar Cabdi Yuusuf Nuur, oo kasoo jeeda magaalada Dhagax buur ee dowlad deegaanka Soomaalida, isla markaana waxaa la tilmaamay inuu ka mid ahaa dhallinyarada Mooto Bajaajta wada.
Weli laamaha amniga magaalada Garoowe, kama aysan ka hadlin dilkan wiilka dhallinyarada loo geystay.
Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply