Muqdisho (Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho tan iyo xalay waxaa ka soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay oo ay wadaan dowladda federaalka iyi xubnaha mucaaradka, waxaana dhinacyo kulamadan ay yihiin kuwa ay uga tashanayaan qodobada muhiimka ah ee ay shir la hortagi karaan.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa Raxanreeb, u sheegay in kulamadan oo qaatay saacado badan ay xubnahan shuruudaha dhinacyo ee ay shir la hortagi karaan.
Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa goobaha ay ka deggen yihiin Magaalada Muqdisho waxa ay ku qaabileen xubno ay ku wadaagaan Madasha Mucaaradka iyaga oo kawada hadlay shirka furmaya.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qudhooda si hoose uga shiray sida laga yeelayo qodobada culus ee Xubnaha Mucaaradka horay usoo bandhigeen isla markaana ay dhexgayn rabaan wadahadalka labada dhinac.
Geesta kale qabadan qaabada shirka watashig, ayaa waxa ay ka socota magaalada Muqdisho, waxaana magaalada laga dareemaya shirkan xasaasi ee ay indhaha ku hayaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Leave a Reply