MUQDISHO : Aabe 80 jir ayaa la sheegay inuu ku dilay wiilkiisa.

MUQDISHO : Aabe 80 jir ayaa la sheegay inuu ku dilay wiilkiisa.

Muqdisho (Raxanreeb )- Degmada Karaan ee magaalada Muqdisho Aabo 80 sanno jir ah ayaa la sheegayaa inuu ku dilay wiilkaas , ilaa iyo hadda lama sheegin sababta.

Dilka wiilka ayaa  ka dhacay markii wiilka iyo aabihiisa uu dagaal dhaxmaray isla markaana aabaha uu midi u adeegsaday dilka wiilkiisa sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Aabaha dilay wiilkiisii ayaa magaciisa lagu soo koobay Qadar , iyadoo wiilkiisana lagu magacaabi jiray Maxamuud Qadar, waxaa la sheegay in khilaaf mudo soo jiray uu ka dhaxeeyey.

Aabaha dilka u geestay wiilkiisa ayaa la sheegay in uu isaga tagay goobta uu dilka ka geestay, waxaana guriga falka ka dhacay gaaray ciidanka booliiska saldhigga degmada Kaaraan.

Bishii hore ee February magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhavdooyin xanuun badan, kuwaasoo ay ugu darneyd dhimashada Luul Cabdi Casiis.

Dilalka ay isku geesanayaan qoysaska Soomaaliyeed dhaxdooda ayaa muddooyinkan kusoo badanaya Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.