FURSAD :  AS oo fursad loo siiyay inay dib ula wareegaan deegaan muhiim ah.

FURSAD :  AS oo fursad loo siiyay inay dib ula wareegaan deegaan muhiim ah.

Camaara (Raxanreeb )- Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa isaga baxay deegaano badan oo muhiim ah oo ay hore ugu saareen kooxda Al- Shabaab ka dib dagaal ay la galeen.

Deegaano Dowladda ay kaga dhinteen , saraakiil muhiim ah ayay ciidanka dowladda Soomaaliya  gabi ahaanba sabab la’aan ugu baxeen taas oo  dhaleecayn badan ay kala kulantay.

Kooxda Al- Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in  dib ugu soo laabteen deegaannada Caad, Camaara ,Bacaadweyn iyo Shabeelow oo malimihii lasoo dhaafay ay kasoo bexeen ciidanka dowladda.

Deegaannadan aya hada Al-Shabaab gacanta kuhayaan ayaa waxaa laga soo warinayaa in dadka tirada yar ee kuharay deeganadaas ay hada lasoo daristay cabsi xoogan ilaa hadana lama oga xaalada dhabta ah ay kusuganyihiin.

Maanta furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug sidaas waxa sheegay dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaan si rasmi ah uga hadlin ka bixitaanka ciidanka dowladda iyo kuwa macawuusleyda deegaanno qabsashadooda dhiig badan ku daatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.