Muqdisho (Raxanreeb )- Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibrahim Kalin ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Waxaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dalka iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Safarkiisa ayaa wuxuu daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Argagixisada, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya.
Ibrahim Kalin ayaa la filayaa in uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkiisa koowaad ee Xukuumadda Xamsa, iyaga oo kawada hadli doona arrimaha amniga ee labada dal Soomaaliya iyo Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Ibrahim Kalin oo ahaa Afhayeenkiis u magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka ee MIT June 5, 2023-ka, sida uu sheegay xafiiska warfaafinta Madaxweynaha.
Leave a Reply