Muqdisho ( Raxanreeb Online) Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, ayaa saakay ka socota magaalada Muqdisho, waxaana si aad ah goobaha codbixinta laga dareemaya diyaargarowgii ugu dambeeyey ee doorashada berri oo Khaamiista dhaceysa.
Ururada siyaasadeed ee ka qeyb galaya doorashada, ayaa dhankooda wada ololahooda ku aadan doorashada, iyaga oo bulshada ugu baaqayaan in banaanka u soo bax aan, isla markaana ay codkooda dhiibtaan.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashada laga codeeyn doono 524 goobood, una tartamayaan 1600 oo musharax, kuwaasi oo u taagan 390 kursi oo kala yaalla 16 degmo ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale degmooyinka ayaa loo kala qeybiyay (A iyo B) degmooyinka (A) ayaa noqonaya 27 xubnood, halka (B) ay tahay 21 xubnood.
Geesta kale xalay waxaa tartanka doorashada isaga haray ilaa iyo 3 Urur siyaasadeed, kuwaasi oo kalsooni darro ka muujiyay hannaanka doorashada u dhaceysa, sida ay ku shegeen war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo sareen.
Ammaanka magaalada Muqdisho, ayaa aad loo adkeeyey, iyada waddooyinka magaalada lasoo oo lasoo dhoobay ciidamo badan oo xaqiijinaya amniga, waxaana saacadaha soo socda la filaya in gabi ahaanba la joojiyo isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho, sida ay horay u shaaciyeen hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply