MUQDISHO : Qayb ka mid ah baa la go’doomiyay- XOG & Xaqiiq

MUQDISHO : Qayb ka mid ah baa la go’doomiyay- XOG & Xaqiiq

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo gaysay markii ugu horeeyay nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde gaar ahaan meelo markii hore gadiidka iyo mootooyinka ay adeegsan jireen.

Ciidanka ayaa diiday in Gadiidka iyo mootooyinka ay adeegsadaan , waddooyinka qaar ee laga galo Garoonka Aadan Cadde oo markii hore ahayd meel ay dadka adeegsadaan .

Wadayaasha Mootooyinka iyo gadiidka kale ayaa sheegay in ay dareemayaan culusay ku aadan adeegsiga waddooyinkaas oo meelaha qaar la dhigay ciidan ka tirsan Dowladda.

Dadka shacabka ah ayaa dhankooda sheegay in ay qabaan cabasho ku aadan in aysan heli karin adeegyada culus ee gadiidka ugu – keeni jiray xaafadahooda oo la diiday gadiidka.

Hooyo ka mid ah Qoysaska dhibaatadu ay soo wajahday ayaa sheegay in caqabad ay ku qabaan in ay helaan adeegyada muhiimka ah ee culus ee markii hore ay u keeni jireen ama ku keensan jireen gadiidka.

Waddooyinka muhiimka ah waxaa ilaalo gaar ah ka haya ciidanka Dowladda oo isugu jira dharcad oo NISA ah iyo kuwa booliska oo diidaya in la adeegsado waddooyinka.

Si kasta Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay xirtay qayb ka mid ah xaafad dhan oo caasimad ah oo dadka ay baahi u qabaan in ay helaan adeegyada muhiimka u ah noloshooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.