MUQDISHO :  Xaafadaha Saypiano ma dagaal ay ka dhici doona ‘’XOG “.

MUQDISHO :  Xaafadaha Saypiano ma dagaal ay ka dhici doona  ‘’XOG “.

Muqdisho (Raxanreeb )-  Shir u dhaxeeyay  madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Odayaasha dhaqankam  Xaafadaha  Saypiano ayaa fashil uu ku dhamaaday sida ay sheegayaan  xogaha Raxanreeb ay helayso.

Waxaa looga hadlayay shirkan   rabashado ka dhashay go’aan dowladda Soomaaliya ay ku doonaysay in la baneeyo xaafadaha Saypiano gaar ahaan dab- damiska oo amar  uu ka soo baxay.

Labada dhinac  oo  uu kulansiiyay madaxwaynaha Galmudug ayaa ugu danbeyn madaxwaynaha waxa uu sheegay in  muhiim ay tahay in dadka ay baneeyaan dhulkaas si loogu adeego bulshada.

Dhankooda Odayaasha xaafahaas ayaa sheegay inaysan haysan meel kale oo ay aadaan sidaas darteeda muhiim ay tahay in loo sharciyeeyo dhulka dab-damiska oo ay deganayeen in muddo ah.

Sida Raxanreeb ay ogaatay marka uu dhacay is faham waagaa labada dhinac ciidamo badan ayaa gudaha u galay dab-damiska kuwaas oo ujeedkooda uu yahay inay difaacaan dhulkaas.

Ciidanka halkaas gaaray waxaa u badnaa kuwa qoysaskooda ay degan yihiin dhulka amarka lagu bixiyay ee dab-damiska oo laga cabsi qabo in halkaas dagaal uu ka dhaco.

Lama oga waxa xigi doono maadama Odayaasha dhaqanka ee xaafadahaas iyo madaxwaynaha ay ku kala tageen , khilaaf iyo in baneeyo dhulka odayaashuna ay diideen hadalka madaxwaynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.