Nairobi (Raxanreeb )-Roob lixaad leh oo kala jaray waddooyin iyo magaalooyin ka mid ah dalka Kenya ayaa ka da’ay dalkaas sida ay soo wariyeen warbaahinta dalkaa ka howlgasha.
Gadiid badan oo u kala gooshi lahaa waddooyin badan oo dalkaas ayaa la sheegay inay ku xaniban yihiin magaalada caasimadda ah ee Kenya waxaana jarmay waddooyin muhiim ahaa sida dowladdu sheegtay.
Saraakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay socdaan gurmad lagu doonayo in lagu badbaadiyo dad badan oo la sheegay in ay ku go’doonsan yihiin magaalooyinka dalkaas.
Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qeybo kala duwan oo dalka Kenya ah ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 13 qof, waxaana ku barakacay ilaa 15,000 oo qof, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyadoo saadaasha ay ka digeen roobab kale.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada, isagoo soo xiganaya Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya, ayaa sheegaya Khamiista in ku dhawaad 20,000 oo qof ay saameeyeen.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP in ilaa shan waddo oo waaweyn ay ku go’een fatahaadda, oo ay ku jirto waddada Gaarisa ee waqooyiga Kenya.
Leave a Reply