Amniga caasimadda oo markale oo faraha ka baxaya- HADDII !.

Amniga caasimadda oo markale oo faraha ka baxaya- HADDII !.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka jira falal amni daro oo ay wehliyaan dilalkla loo gaysanayo dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

Dilalka hadda ku soo kordhay caasimadda waxa ka mid ah dilalka qorshaysan oo aan ilaa iyo hadda la ogayn cida fulinaysa inkastoo dowladdu ay sheegayso inay dadaalo ay socdaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya dhankooda waxa ay bilaabeen in ay qaadaan talaabooyin ay kaga hortagayaan falalkan amni darro hase ahaatee waxa sii soconayaya dalka rayika.

Walaaaca ugu badan ayaa ah dilalka qorshaysan ee qofka lawaynayo ama la arkayo isaga oo si xun loo dilay , taas oo bulshada caasimada ku keentay cabsi badan.

Kooxaha falka gaysatay ayaa lasoo wariyay inay goobta isaga baxsadeen, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay wax ka qabato dilalka qorshaysan ee caasimada ka jira  inta aysan faraha ka sii bixin xaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.