Muxuu  daarnaa socdaalka Guddoonka Barlamaanka Puntland ku tagay Qardho ?

Muxuu  daarnaa socdaalka Guddoonka Barlamaanka Puntland ku tagay Qardho ?

Qardho (Raxanreeb )- Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Maxamed Baari Shire oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa Kormeer iyo xog waran guud ku soo maray Magaalada Qardho.

Weftiga Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyey Qardho Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Duqa Degmada, Taliyaha qaybta Booliiska iyo xubno kale.

Waxaana weftigu ay Kormeer ku tageen Xarumaha Dawladda sida Guriga Gobolka Karkaar iyo Hoolka beeyada ee Dawladda hoose, iyagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Gobolka iyo Degmada, taas oo la xiriirta shaqooyinka ay dadweynaha u hayaan iyo caqabadaha jira.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka ayaa booqday bartamaha Qardho halkaas oo laga qabtay shaqo ku aadan maareynta iyo furista biyahii Magaalada ku fatihi jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.