NISA oo xabsiga dhigtay ganacsato la macaamilay Al-Shabaab

NISA oo xabsiga dhigtay ganacsato la macaamilay Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa war kasoo saartay howlgal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday ganacsato la macaamishay kooxda Al-Shabaab, isla markaana siiyay lacago baad ah, taas oo horey loo mamnuucay.

War qoraal oo kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA, ay soo qabteen ganacsato, si gaar ah, ula macaamilay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay soo waydiisteen lacago baad ah.

NISA, ma shaacin magacyada shakhsiyaadkan lagu eedeeyay inay lacago baad ah, siiyeen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka oo si dhow ula socday isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah baad ugu waydiisaneysay xubno ganacsato ah gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad macaaliil la sameeyay kooxda” ayaa lagu yiri qoraalka, NISA, kasoo baxay.

Sidoo kale hay’adda NISA, ayaa uga digtay inay ka waantoobaan, ganacsatada Soomaaliyeed, inay la macaamilaan kooxaha argagixisada, waxayna sheegtay in dhaqaalaha ay siiyaan lagu dhibateynayo Shacabkooda

“Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka waxa ay uga digeysaa ganacsatada inay u dhego-nuglaadaan isku daya daciifka ah ee Khawaarijta ay ku dooneyso inay ku boobto hatntidooda” ayaa lagu yri warqadda kasoo baxay taliska guud ee hay’adda NISA.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), ayaa sidoo kale sheegtay in uu waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida dadweynaha sumcadda iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“HSNQ waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa fartay dadweynaha Soomaaliyeed inay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku suganyihiin khawaarijta.

“Waxaa la farayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA.

“Waxaa la farayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.