Nuxurka hadaladii MD Xasan ka jeediyay shirka Jaamacadda Carabta

Nuxurka hadaladii MD Xasan ka jeediyay shirka Jaamacadda Carabta

Cairo (Raxanreeb ) Shir-madaxeedka dalalka Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Algeris ee dalka Algeria, waxaana war-murityeedka kasoo baxay shirkaasi ayaa lagu diiday faragalinta shisheeye dalalka carabta.

Inta uu shirkan socay  Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka  jeediyay hadalo u badnaa saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanada.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsay dalalka Jaamacadda Carabta gacansiina dadka saamaynta aan wanaagsan ay ku yeelatay abaaraha iyo Colaadaha ka jira Soomaaliya .

Dowladda ayuu xusay Madaxwaynaha Soomaaliya in ay xoogga saari doonto wax ka qabashada arrimaha ku saabsan isbedelada cimilada iyo sidii  loogu adkaan lahaa kooxaha argagaxisada

Madaxwynaha  Dowladda Feeeraalka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Dowladda ee isbedelka Cilimada uu yahay mid socdo oo Dowladiisa meel wanaagsan ay marsiinayso , waxana uu  hoosta ka xariiqay in ay jiraan dhibaatooyin kale oo ay qabto Soomaaliya loona baahan yahay  in laga – gacansiiyo.

Dalalka qaar ee Jaamacadda carabta ayaa muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan Dowladda Federaalka oo dagaalkii ugu adkaa  kula jirta Kooxda Al-Shabaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.