Cairo (Raxanreeb ) Shir-madaxeedka dalalka Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Algeris ee dalka Algeria, waxaana war-murityeedka kasoo baxay shirkaasi ayaa lagu diiday faragalinta shisheeye dalalka carabta.
Inta uu shirkan socay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka jeediyay hadalo u badnaa saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanada.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsay dalalka Jaamacadda Carabta gacansiina dadka saamaynta aan wanaagsan ay ku yeelatay abaaraha iyo Colaadaha ka jira Soomaaliya .
Dowladda ayuu xusay Madaxwaynaha Soomaaliya in ay xoogga saari doonto wax ka qabashada arrimaha ku saabsan isbedelada cimilada iyo sidii loogu adkaan lahaa kooxaha argagaxisada
Madaxwynaha Dowladda Feeeraalka Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Dowladda ee isbedelka Cilimada uu yahay mid socdo oo Dowladiisa meel wanaagsan ay marsiinayso , waxana uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan dhibaatooyin kale oo ay qabto Soomaaliya loona baahan yahay in laga – gacansiiyo.
Dalalka qaar ee Jaamacadda carabta ayaa muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan Dowladda Federaalka oo dagaalkii ugu adkaa kula jirta Kooxda Al-Shabaa.
Leave a Reply