Abay Ahmed miyuu soo afjaray colaadii gobolka Tigray?

Abay Ahmed miyuu soo afjaray colaadii gobolka Tigray?

Raxanreeb (Pretoria ) Wada- hadalo muddo dheer socday ka dib ayaa  heshiis wanaagsan oo dhabaha u furi kara  nabad ku wada noolaasho wada- gaaray Dowladda Itoobiya iyo mucaaradka Tigray.

Wada- hadalkan waxaa xoog bixiyay sidii uu mira dhali lahaa Midowga Afrika kuwaas oo isugu keenay labada dhinac dalka Koonfur Afrika halkaas  oo in muddo ah ay ka socdeen wada hadaladasi loogu guulaysto in la damiyo colaad Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta ee ay dowladdiisu la saxiixatay saraakiisha ka socotay gobolka Tigray uu dalka u yahay tallaabo wax ku ool ah.

Madaxweynihii hore ee Nigeria  Olusegun Obasanjo, oo garwadeen ka ahaa heshiiskan ayaa isna sheegay in heshiiska uu bilow u yahay hannaan nabad loogu soo dabaalayo Itoobiya.

Heshiiskan lagu saxiixay waddanka Koonfur Afrika kaddib laba sanadood oo uu dagaal socday ayaa waxa uu dhigayaa in hubka laga dhigo dagaalyahannada fallaagada TPLF.

Gobolka Tigray ayaa waxaa ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo darran iyo cuno yari, tan iyo markii uu dagaalka billowday November 2020, waxaana ka go’naa adeegyasada aasaasiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.