Cali  Yare Cali ‘’Waxa la qarxiyay gaarigayga waase ka badbaaday‘’

Cali  Yare Cali ‘’Waxa la qarxiyay gaarigayga waase ka badbaaday‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare gaystay oo maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Warar horudhaca ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay qaari uu lahaa Guddoomiyaha amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

Waxaa la xaqiijinayaa in gaariga marka uu qaraxa haleelayay uusan la socon  Guddoomiye Cali Yare Cali  balse waxyeelo ay ka soo gaartay dad shacab ah iyo ciidan ka mid ah ilaalida Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay waxyeelada soo gaartay dadka shacab ah iyo ilaaladiisa waxaana uu tilmaamay in tan ay muujinayso sida wali Al- Shabaab ugu baahi qabaan daadinta dhiiga shacabka.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah carruur yaryar oo xilligaas ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen u dhow raagada degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir  weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay oo ku aadan qaraxaasi ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.