Mandheere ( Raxanreeb Online) Shan Oday dhaqameed oo jeeda degmada Ceelwaaq ee Koonfurta Mandheera, oo ay horraantii sanadkan afduubteen kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin al-Shabaab, isla markaana muddo 62 maalmood ah ku haysteen gudaha Soomaaliya, ayaa ugu dambayntii ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay la kulmeen intii ay afduubnaayeen.
Iyaga oo ka hadlayay kulan ku saabsan arrimaha dardar-galinta ammaanka (Jukwaa la Usalama Security Baraza) ee magaalada Ceelwaaq, madaxdan ayaa ka sheekeeyay dhibaatada ay kala kulmeen kooxda.
Waxay hadda codsanayaan taageero maaliyadeed iyo mid dhanka maskaxda ah sababo la xiriira bey sheegeen dhaawacyadii ka soo gaaray.
Waxa ay sidoo kale taageerayaan qorshaha dowladda ee ah in la hubeeyo laguna tababaro maamulayaasha maxalliga ah ee gobollada khataraha amni ay ka jirto si ay uga hortagaan khatarta kooxda Al-shabaab.
Saraakiishan ayaa uga mahadceliyay dadka Kenya ducadooda iyo niyad samida ay u muujiyeen, iyagoo sheegay in taageerada qaranka ay tahay midda siisay awood ilaa ay si mucjiso leh uga soo badbaadeen afduubayaasha.

Leave a Reply