Pakistan ‘’ Xabsiga laguma booqan karo Imran Khan ‘’.

Pakistan ‘’ Xabsiga laguma booqan karo Imran Khan ‘’.

Islamabad (Raxanreeb )- Dowladda Pakistan ayaa soo saartay war ay ku sheegayso in xabsiga aan lagu booqan karin Ra’iisulwasaarihi hore ee dalkaas , Imran Khan.

Maamulka Xabsiga Pakistaan maamulo ayaa shaaciyay in laba todobaad oo wax booqasho ah loogu tagi karin Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaa oo xabsiga ku jira .

Hogaamiyihii hore ee Pakistan oo 71 sano jir ah ayaa xabsi dheer ku qaadanaya Rawalpindi, oo ah magaalo aad loo ilaaliyo oo deris la ah caasimada Islamabad.

Khan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku kacay fal dambiyeed faafin sir qaran iyo guur qarsoodi ah, intii uu xafiiska joogay maalmo uun ka hor doorashadii guud ee bishii hore.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa waxaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda sare ee caasimadda Islamabad.

Khan, ayaa xilka laga xayuubiyay sannadkii 2022 kadib markii uu baarlamaanku kalsoonida lagala noqday, waxaana tan iyo markaas uu la kulmay caqabado badan oo dhanka sharciga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.