Fashil ku yimid dagaalka ka dhanka ah AS ee uu horkacayay MW Xasan.

Fashil ku yimid dagaalka ka dhanka ah AS ee uu horkacayay MW Xasan.

Muqdisho (Raxanreeb )- Niyad jab  ayaa soo food saaray dadka soomaliyeed oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah kooxda AS oo joogsaday oo ay bilowday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sanado ka hor ka dib markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15 kii bishi May sanankii 2022.

Dowladu waxaa ay bilowday dagaal aysa diyaarsanayn dadka iyo dowladuba lakiin madaxweyne Xasan Sheekh oo ay saluugsanaayeen dadka Soomaliyeed, imashihiisa xukunka dalka ayaa sameeyay wax mar la araga asaga oo qalabeeyay beelaha oo ay AS iska ilaalin jirin markii hore in ay ku kacaan, dagaalo oo gundhig uahaa bilaabashada dagaalka kadhanka kooxda As ayaa is qabsaday dalka oo dhan.

Banaanbaxyo  lagu taageerayo dowladda ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho niyad xoog leh ayey heleen ciidanku iyo tageero joogta ah oo ay wado dowladda Soomaliya  mudo kooban ayaa kooxda looga saaray magaalooyin waa weyn oo ay ka mid yihiin Maxaas Muqokori Ceeldheer Masgawaa Masaajid Cali -gaduud Roon nirgood Adanyabaal Ceelbuur Xarardheere Baxdo isil Baacaadweyn Caad Camaara iyo deegano kale oo ka tirsan gobalada Shabeellaha Dhexe Hiiraan Galguduud iyo Mudug .

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa qaatay  , tuutaha si uu u sii dhiira geliyo ciidanka  iyo dadka deegaanka oo kashanaya diyaaraha dagaalka ee caawiya Dowladda dadka soomaliyeed ayey u soo sawirantay in laga adkaaday kooxda AS laakiin madaxwaynaha ayaa soo faarujiyay goobaha dagaalka.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka dib bilaabay safaro dibada ah laga baaqsan karay oo uu awooday madax weynuhu in uu u xilsaaro dadka la shaqeeya ee qeybta ka ah dowladiisa,waxaa uu ku sii mashquulay arimaha siyaasadeed kuwasoo asagu ka arkayay dano isku hoos gudban waxaa istaagay gebi ahaanba dagaalkii ay waday dowladda.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa waayay dhiiragalinta madaxda waxase  u sii dheeraa in ay heli waayeenn xuquudii ay lahaayeen sida mushaaraadka iyo saadka ciidan.

Soo faarujinta ciidanka  ee furimaha dagaalka waxaa ay quus- gelinayaan filashadii dadka Soomaliyeed oo ku hanweynaa in ay arkaan Soomaliya oo isku dhinaca oo kamaran AS iyo Daacish.

Talaabada ah bixitaanka ciidamada waxaa ay quus galineysa walidiintii kuwayay dagaalka caruurtooda iyo sidoo kale ilmaha ku noqday dagaalkaas agoonta oo ay dhaleen taliyaashii furimaha dagaalka u taagnaa ilaalinta qarannimada Soomaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Shaah-macabe Sataqey,Suulnuuge,iyo Xasan Tuure,oo dhamaantood ku nafwaayay dagaalka aan qorshaha lahayn oo ay cilaamisay dowladda Somaaaliya ugu dambeyna ay AS si fudud ula wareegeen gobihii ay ku nafwayeen dhalin yaro oan weli curan iyo taliyaal difaaca dalka uhuray dhiiga iyo dheecanka.

Waxaana laga cabsi qabaa in ay ciidamadu soo baneeyaan goobo kale oo ay hada kusugan yihiin haddii aysan dowladu sixin waxyabaha qaldan ee ubahan in la saxo si loo bad baadiyo mustaqabalka dalka,waxaana  muuqata in uu madaxweyne xasan shiikh ku fashilmay balan qaadyadii ahaa in uu laba sano gudood dalka uu kaga tirtiri doono kooxda AS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.