Puntland oo dhaleeceysay Shiikh Umal iyo Shiikh Cali Wajiis.

Puntland oo dhaleeceysay Shiikh Umal iyo Shiikh Cali Wajiis.

Garoowe (Raxanreeb )- Maamul goboleedka Puntland ayaa weerar ku qaaday  , Sheekh Umul iyo Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala sugan Muqdisho o iyo Nairobi.

Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland Dirir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in  Culumada qaar  ay yihiin kuwo dhibaato  u joog ah.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay  in dagaalka Dowladda ee Puntland ay hadda ku soo biireen Shiikh Umal iyo Shiikh Cali Wajiis.

‘’ Dagaalka Siyaasiga ah ee Dawladda Xasan Sheekh waxaa ku soo biiray Dagaal diini ah oo ay nagu soo qaadeen Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis”.wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Puntland ayaa sheegtay inaan aan la ogolaan doonin in ay sii socdaan , fara galinta lagu hayo maamul goboleedka Puntland sida uu yiri wasiirka.

Maamul goboleedka Puntland ayaa hore u sheegay in ay tabasho badan ay ka qabaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya walina wax xal ah lagama gaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.