PUNTLAND ‘’Dastuurka cusub ee dalka waxa uu abuurayo keli-talisnimo ‘’.

PUNTLAND ‘’Dastuurka cusub ee dalka waxa uu abuurayo keli-talisnimo ‘’.

Garoowe (Raxanreeb)- Maamul goboleedka Puntland ayaa markale ku celiyay diidmadiisa wax ka bedelka Dastuurka taas oo keentay in ay sii kala fogaadaan dowladda Federaalka ah ee maamul goboleedka Puntland.

Hadal uu jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Xuseen Cusmaan Lugatoor ayuu sheegay in ay muuqanaysa in dowladda Soomaaliya aysan doonaynin in ay ka soo dabacdo go’aankeeda.

Waxa uu ku  eedayay Dowladda Soomaaliya in ay doonayso in dalka ay galiso nidaam kaletalisimo oo aan ku haboonayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed waqtigan adag.

Waxa uu soo hadal qaaday Madaxwayne ku xigeenka in ujeedka ugu wayn ee wax ka bedelka Dastuurka uu ahaa in meesha laga saaro awoodaha dowlad goboleedyada lana sameeyo raysalwasaare aan awood lahayn.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku dooday in dastuurkii la isku ogaa la wada beddalay marka la eego dastuukan cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh wado.

Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Xuseen Cusmaan Lugatoor dood uu kaga qayb galayay – Barta X oo looga hadlayay xaaladda guud ee dalka.

Puntland ayaa dhaliilsan hanaanka dowladda Soomaaliya xiligan ay wax u wado , waxaan aad u xun xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland mana jiro wax xal ah oo laga gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.