PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay sarkaal sare oo AS – ah

PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay sarkaal sare oo AS – ah

Garoowe (Raxanreeb ) Ka dib howlgal ciidanka amniga Puntland ay fuliyeen ayaa la sheegayaa in gacanta ay ku soo dhigeen sarkaal ka tirsanaa kooxda Al- Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka mid ah maamulkaas.

Howlgalkan sarkaalkan gacanta loogu soo dhigay ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka ay ka fuliyeen buuraha Galgala halkaas oo ciidanka ay kula dagaalamayaan kooxaha argagaxisada.

Taliska PSF ayaa sheegay in hawlgalkaas ay ka fuliyeen degaanno ka tirdan buuraleyda gobolka Bari oo ay ku jiraan Yucrun, Ceelka dhul, Cascaso, Qarka xabley, Ceelka dhiciro, Gaaca iyo Conqor.

Hawlgalka ayaa lagu qabtay saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka AS, oo uu kamid yahay madaxii Sahanka iyo Sirdoonka u qaabilsanaa maleeshiyaadka AS, sida ay sheegeen PSF.

“Hawlgaladaas waxaa lagusoo qabqabtay sadex xubnood oo uu kamid yahay madaxii sahanka iyo wardoonka ee kooxda khawaarijtaa” ayaa lagu sheegay warka PSF.

Leave a Reply

Your email address will not be published.