Golaha deegaanka Bosaaso oo sharci muhiim ah ansixiyay

Golaha deegaanka Bosaaso oo sharci muhiim ah ansixiyay

Boosaaso (Raxanreeb ) Kalfadhiga 1aad ee golaha deegaanka degmada Bosaaso ayaa Maanta si rasmi ah ugu furmay.

Kal-fadhigan oo ka dhacay Hall-ka Dowladda hoose ayaa waxaa Daahfuray Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Bosaaso Mudane Abdifatah Haji Shanle iyadoona ay kasoo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Dekeddaha iyo gadiidka Badda Puntland Axmed Yasiin Salaax Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Shaahdoon Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso Mudane Bashiir Farah Siciid Masuuliyiin ka socda wasaarada arimaha Gudaha, Xildhibaanada Golaha deegaanka Isimada dhaqanka Waxgarad Aqoonyahan haween iyo Marti sharaf kale.

Kalfadhiga ayaa waxaa soo xaadiray 22 Xildhibaan Waxaana Cod gacantaag ah lagu Ansixiyay 11 Xubnood oo ah Gudiga Joogtada ah iyo Gudiga Anshaxa Golaha Deegaanka, Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Cali Cawad Maxamed cod gacantaag ah oo Caqlabiyad ah ugu doortay Xoghaynta Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso.

Duqa Degmada Bosaaso Mudane Abdifatah Haji shanle ayaana la dardaarmay Xildhibaanada isagoona sheegay in si wadajir ah loogu adeegaayo degmada Bosaaso, Sido kale Gudoomiyaha ayaa ka warbixiyaya Ajendayaasha kalfadhigan isagoona uga mahadceliyay qaybihii kala duwanaa ee Bulshada kasoo qaybgalay Kulanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.