Puntland oo sheegtay sida laga yeeli doono ajaaniibta kooxda Daacish

Garoowe (Raxanreeb online) – Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar baahay oo sheegayay in aan cafis loo fidin doonin dagaallameyaasha shisheeye ee isa soo dhiiba, xilli maamulkaas uu dagaal kula jiro ururka Daacish ee ka dagaallama dhulka buuraleyda ah ee Puntland

Maxamuud Caydiid Dirir wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in cafiska oo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni dhowr jeer ku celceliyay una fidiyay kooxaha ka soo horjeeda uu yahay mid weli furan ciddii goob dagaal iska soo dhiibaysa iyo ciddii isa soo dhiibaysa xilli aanu dagaal jirin.

Wuxuu tilmaamay in sharciga dagaalka uu leeyahay maxaabiis la qabto oo la cafiyo iyaguna ay taa raacayaan. Wasiir Cadiid ayaa intaas ku daray,”Cafisku waa uu furanyahay towbadda Ilaaheybaa aqbala qofka inta naftu aaney kalxamaha soo gaarin Ilaaheyba towbadda wuu ka aqbalaa, sharciga dagaalkana maxaabiisu cafis waa leedahay,”.

Isagoo xoojinaya in Puntland aanu ka soo yeerin hadda hadalka faafay ee ku saabsan in aaney cafin doonin ajaanibta qaybta ka ah dagaalka Daacish ay kula jirto maamulkiisa, ayaa wasiirku waxaa uu yiri: hadalkaasi hadda maaha, waxaan filayaa ninka dhalinyarada ah ee ciidanka wacyi gelinayay,xilligaas dhowr sano ayaa laga joogaa, wuxuuna ciidanka ka wacyi galinayay in nimankaan aaney ka tanaasulin caqiidadooda,”.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshe Puntland iyo hay’adda socdaalka ay ka wadashaqeynayaan oo dib dalalkoodii loogu celinayo ajaanib isa soo dhiibtay, inkasta oo uusan wasiirku faahfaahin ka bixin tirada, dalalka ay ka soo jeedaan, iyo xilliga ay isa soo dhiibeen dadka dib loogu dhoofinayo halka ay ka soo jeedaan.

“Ajnaab way jireen isa soo dhiibtay oo uu socdo hannaankii dalalkooda loogu dhoofin lahaa oo IOM-ta iyo Bisha Cas ay nagala shaqeynayaan,” ayuu yiri wasiirka war-fafainta Puntland.

Ugudambeyntii, Waxaa uu carrabka ku adkeyay in dadka aan u dhalan Soomaaliya iyo kuwa mawaadiniinta ahb ee isa soo dhiiba kana tirsan kooxaha ay la dagaallamayaan ay u simanyihiin sharciga marka la eego dhanka dambiyada ay galaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.