Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Jowhar (Raxanreeb online) – Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle kaas oo siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso kaas oo ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Xoolaha ee Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

waxana uu sababay dhaawaca laba qof oo mid haweyneey tahay waxaana wararka qaar ay sheegayaan in mid kamida labada dhawacantay uu mid geeriyooday qofka geeriyooday ayaa ahaa oday kamida gamacsatada xoolaha ee suuqa ka shaqeysata.

Sidoo kale qaraxa ayaa sababay ineey nafta ku wayaan xoolo gaaraya 12 geel ah oo suuqa loo iibgeeyay geela 12ka ah ee qaraxa uu qabsaday ayaa waxaa lahaa gamacsatada iibisa geela balse qaraxii halkaas ka dhacay ayay ku waayeen.

qaraxa ka dib Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.