Qatar Airways oo ka hadashay shil ay diyaaraddooda ku gali lahayd Soomaaliya.

Qatar Airways oo ka hadashay shil ay diyaaraddooda ku gali lahayd Soomaaliya.

Doha (Raxanreeb )- Diyaaradda Qatar Airways ayaa hawada ku jirtay markii kooxda towerka Muqdisho ay amar khaldan siiyeen duuliyaha taasina ay sababtay inuu si deg deg diyaaradda khad hoose ugu dejiyo, laakiin waxaa isla markaas hawada ku soo jirtay diyaarad kale oo ah tan Ethiopian Airlines.

Muqdisho iyo Hargeysa ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinkan, oo ay markii ugu horreysay shaacisay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

shaqaalaha fadhiyay towerka Muqdisho maalinkaas ay garan waayeen inay hubiyaan diyaaradaha kale ee hawada ku jira kahor intaan diyaaradda Qatar Airways la siin amarka bedelidda khadka.

Duuliye u dhashay Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay musiibadii Sabtidii ka dhici gaartay hawada Soomaaliya ee isku dhaca lagu sigtay ee diyaaradaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Qalabka ku rakiban diyaaradda Qatar Airways ayaa sabab u noqday in duuliyuhu helo digniin u sheegtay in diyaarad kale hawada ku soo jirto.

Waxaan arkaayay maalmo ka hor kooxo kuwa shilmaadka qaata oo isku dayaya inay daboolaan dhacdadan musiibada noqon lahayd.

ICAO, ayaa horey u maamuli jirtey hawada Soomaaliya ka hor intii aan lagu wareejin dowladda Soomaaliya sanadkii 2017, xilligaas oo Muqdisho si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.