Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo maanta ka socda degmada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka, oo inta badan ka bar bar dagaallama ciidamada dowladda.
Howlgalkan ayaa xooggiisa waxa uu ka socdaa inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Caad, halkaas oo ay weeraro kasoo abaabulaan xubnaha Ururka Al-Shabaab, ee maamulka deegaannadaasi.
Saraakiil u hadlay millatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in howlgalkani uu yahay ka hortagga weerarada kooxda ay kasoo qaadaan aaggaasi kuwaas uu u badan hoobiyeyaal.
Sidoo kale saraakiisha millatariga ayaa intaasi ku daray in ay la socdaan meelaha ay kasoo abaabulaan weerarada kooxda, islamarkaana ay soo afjari doonaan dhowaan.
Deegaannadaasi, ayaa xaaladoodu tahay hadda mid kacsan iyadoo la dareemayo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda labada dhinac.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo inta badan ka hadashada weerarada lagu qaado iyo kuwa ay qaadaan.
Dowladda Soomaaliya, ayaa inta badan weeraro iyo guluf ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, kawada gobollada Dhexe ee bartahama Soomaaliya, halkaas oo Al-Shabaab, looga burburiyay saldhigyo iyo gaadiid badan.