Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh xukuumadda DanQaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.
Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay wasaaradaha, ayaa waxa ay soo bandhigeen guulaha ay xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyada oo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad ee ay horey u wada galeen Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale qaar kamid ah Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; sida Kobaca dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah oo maaliyadeed, fududeynta ganacsiga iyo dhiirrigelinta warshadaha, qorsheynta maalgashiyo caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka.l.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi, ayaa waxa uu su’aallo ka weydiiyey qorshayaashooda Qaranka, si loo hubiyo in ay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballan-qaadkii ay horey u saxiixeen. Waxa uuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorshayaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo wasaarad walba shaqada ay hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray.

Leave a Reply