Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowlad Gobolleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Awcali (Firdhiye), iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Laasacanood.
“doorashadani waxa ay muujisay biseyl siyaasadeed iyo dadaalka shacabka Waqooyi Bari ay ugu jiraan helitaanka adeeg dowladeed oo dhammeystiran, isaga oo tilmaamay in qabsoomidda doorashadan ay xoojinayso dowladnimada, ayna muhiim u tahay adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan gelisay xoojinta nidaamka dowladnimada iyo horumarinta hannaanka Federaaleynta dalka maantana la gaaray miro-dhalka dadaalladaasi.
Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey kaalinta ay ka qaateen Xildhibaannada iyo shacabka Waqooyi Bari doorashadan dimuqraadiga ah, ayaa u rajeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub in ay noqdaan hoggaan ka shaqeeya midnimada bulshada, wadajirka, isla markaana ay mudnaanta siiyaan danaha shacabka Soomaaliyeed.



Leave a Reply