RW Xamsa “waxaan ku baaqaya in loo midoobo dagaalka Khawaarijta”

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, in dalka uu ka socdo dagaal adag lagu jiro kooxda Al-shabaab.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey, “Caawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox la isu cafiyo, dalkana loo duceeyo”.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa  u mahadceliyey aqoonyahanka af-furka soo agaasimay, waxa uuna dhankooda ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.