Sacuudiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Riyadh (Raxanreeb online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farxaan.

Sidoo kale, Kulan labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirada ayaa isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka

Dhanka kale, abada Wasiir ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha gobolka Geeska Afrika ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka.

Ugudambeyn, Sacuudiga ayaa xilligan kamid ah dowladaha Soomaaliya dhinacyo badan ka taageera, waxa ayna Sacuudiga marar badan dowladda ku caawi8yeen dhaaale, sidoo kale dalka waxa ay ka fuliyeen mashaariic kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.