Safarka Mahad Salaad New York ma xog dusin baa ?

Safarka Mahad Salaad New York ma xog dusin baa ?

New York  (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxay , safar  Taliyaha Hay’adda NIS Mahad Mohamed Salaad uu ku tagayo dalka Mareynkanka , halkaas oo ku joogi doono  booqasho qaadan doonta dhawr cisho.

Waxa la sheegay in Mahad uu tagi doono magaalooyinka New York iyo Washington DC, isagoo wadahadalo halkaasi kula leh madaxda Waaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka, iyo hay’adaha mukhaabaraadka CIA-da iyo FBI-da.

Arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka ammaanka iyo la dagaalanka Al- Shabaab ayaa ka wada- hadli doonoaa  labada dhinac  , sida ay xogta ay sheegayso.

Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Mohamed  Salaad ayaa sidoo kale  kala hadli doona madaxda dalkaas xoojinta howlgalka Mareynkanka ee duqeymaha circa ee Soomaaliya.

Dad badan ayaa shaki galinaya safarka Mahad Salaad ee New York sabab la xiriita in sirdoonka Soomaaliya wali uusan ahayn mid adag oo isku filan .

Dowladda Mareynkanka ayaa ka mid ah dalalka ciidan ay ka joogaan Soomaaliya , kuwaas oo Dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaalka lagula jiro Al- Shabaab , waxayna dhawr jeer duqeymo ay ka fuliyeen gudaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.