Khartuum : Duqeymo toos ah oo ka socda magaalooyinka SUDAN

Khartuum : Duqeymo toos ah oo ka socda magaalooyinka SUDAN

Khartuum (Raxanreeb ) Duqeymo badan oo dhanka cirka ah iyo iska horimaadyo ayaa laga soo sheegay magaalooyin ka mid ah dalka Suudaan  taas oo dhabar jab ku ah dadaaladii lagu doonayay  in lagu qaboojiyo dagaalkaas.

Magaalada iyo magaalooyin kale ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka dhaceen duqeymo culus.

Dadka ku sugan magaalada Khartuum iyo magaalooyinka kale ee labada dhinac ku dagaalamayaan ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen iyo duqeymo dhinaca cirka ah.

Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, waxaana dhinacyadu Todobaadkaan horaantiisii ay sixiixeen heshiis wadajir ah.

Rabshadaha ayaa billowday shan toddobaad ka hor, waxaana ka dhashay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada caadiga ah iyo koox dabley ah.

Isku dayo dhowr ah oo hore oo lagu doonayay in lagu gaaro hakad waara oo colaadaha ka socda dalka waqooyi-bari ee Afrika ayaa gariiray ama burburay.

Ciidamada milatariga iyo kuwa RSF ayaa marar badan gaaray heshiisyo xabbad joojin ah ,inkastoo inta badan heshiisyadasai aysan dhaqan-gelin ayna dagaalamayeen labada dhinac iyada oo heshiis la gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.