Sawirro: Xasan Sheekh oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al – Shabaab

Sawirro:  Xasan Sheekh oo ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al – Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo Ururka Alshabaab.

Xasan Sheikh ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku maamulaan Ururka Al-Shabaab iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaannadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirrada in ay mudnaanta koowaad siiyaan ladagaallanka Ururka Al-Shabaab Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyay sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.