Sidee bay maan gal u tahay in Golaha Ammaanka (UN Security Council) uu si buuxdo oo waliba aad moodo dalka inay iyagu leeyihiin go’aan uga gaaraan arrimaha Soomaaliya haddana marna xad gudubka Itoobiya ee Soomaaliya aysan abbaartii ay ka mudneyd ka istaagin?!…Arrintaas waan hubaa shacabka Soomaaliyeed inay ku baraarugsanyihiin!…Sidee bay ku dhacday in Golaha Ammaanka (UN Security Council) uu muddo 34 sano ah uu Soomaaliya cuno qabateyn hubka ka saaro haddana xad gudubka Itoobiya ku fiirsado?!…sidee bay maan gal ku tahay in dalka maxmiyad u ahaado, oo waliba xuquuqdiisii oo waliba xuquuqdiisii qaranimo laalaan haddana cadowgii Itoobiya ay ku fasaxaan?!… Sow taas ma aha in markii horaba Golaha Ammaanka u garbo duubayay Soomaaliya cadowgeeda soo jireenka ah ee Itoobiya! Waxaa Alle mahaddi ah in shacabka Soomaaliyeed ay taas ku baraarugsanaayeen, aadna ay u fahamsanyihiin khayaanooyinka iyo dhagaraha guumeystaha cusub u mareegayo!…Waa hubaal wax shaki ahna kuma jiro in dadka Soomaaliyeed uusan wax shaki ah uga jirin inay cadowgooda ka adagyihiin, wax walwal ahna aysan ka qabin iska-hadalka gacan ku dhiiglaha marraanka ah ee Abiy Axmed ee ku dhex ambaday qarowgii islaantii riyootay.
Mid iyadu ma qarsoona, in labadii xilli ee madax-weyne ee is xigay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xaasan SHiikh Maxamuud ay talada dalka gacanta u gashay laba nin oo KHaa’inul-Wadhan ah, oo waajibaadkii iyo xilalkii lagu aaminay uga xishay danahooda gaarka ahaa, nidaamkii siyaasadeed ee xafiiskii ummaddu u dhiibatayna ka leexday, isla markaasna u iishay baahidooda awoodda xukunka, taasoo sabab u noqotay khilaafaad xooggan ee soo kala dhex galay siyaasiyiintii dalka, dib u dhacna ku keentay isu soo dhowaanshihii iyo is fahamkii bilowga ahaa ee soo kobcayay dibna u soo nooleeyay xoojiyeyna khilaafkii iyo kala shakigii siyaasiyiinta iyo mujtamaca dhexdooda ahaa. Arrintaas waxaa ay damac gelisay Marraanka Abiy Axmed, oo isaga markii horaba labada nin ay tuseen jileec iyo inay isaga ku tiirsanyihiin, liidnimmada uu iyaga ka arkeyna waxay ku dhiiri gelisay inuu dalka soo damaaciyo isagoo maalin kasta ku celcelinaya badda Zeylac baan xoog ku qabsanayaa!….Faanka iyo beenta joogtada ah ee cadowga Itoobiya ma aha mid innagu cusub, waana wax aan naqaan oo aan baranay, haddana diyaar loo yahay oo la sugayo! Marraanka Abiy Axmed waxaa isaga khaldamay dadka Soomaaliyeed kuwa ay yihiin iyo dhaqammadii khaa’inul wadhankii Farmaajo, iyo Khaa’inul-Wadhanka Xasan SHiikh Maxamuud (Dal-Duleeye)…
Waxa shacabka Soomaaliyeed si feejignaan buuxdo ay ku jirto ula socdaan dhaqammada dalalka dabada ka riixaya Itoobiya isla markaan ku maal gelinaya cadaawadda iyo colaadda lidka ku ah Soomaaliya, waxay aad xog-ogaal ugu yihiin shacabka hab dhaqanka iyo siyaasadda guracan ee Maxamed SHiikh Zaayid Bin Suldhaan Aalaa Nahyaan uu ka dhex wado dalka Soomaaliya isagoo ka shaqeynaya sidii uu dalka ugu kala googoyn lahaa gobolo iska soo hor jeeda oo colaad ka dhexeyso. Dowladda Immaaradaha yar-yar ee isu tegay waxay hadda qaybo dalka gudihiisa ah ka wadaa boob iyo xatooyo ay ku heyso kheyraadka dalka… Waxay si amar ku taagleyn ah iyadoo ka faa’ideysaneysa khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhexeeya siyaasiyiinta dalka u maamulataa isla markaasna sal-dhigyo ciidan si xoog sheegasho ah uga sameysatay meelo badan oo dalka ka mid ah, wuxuun maal gashaday Itoobiya si hadii uu ka maarmi waayo uu ugu adeegsado Soomaaliya.
Xasan SHiikh Max’ud, xaasaskiisa deggenaansho ayaa laga siiyay dalka Immaaradaha yar-yar ee isu tegay, waxay saami ka qaataan diyaardaha dalka ka ganacsada, qoyskiisa waxay saamiyo ku leeyihiin ama shuraako la yihiin (Hadda kuma darsadaan wax lacag ah) shirkadaha dalka ka jira ama shisheeye ha ahaadaan ama kuwo dalka laga leeyahay ha ahaadaan, dhammaan waxyaabahaas waxay ku dhisanyihiin dano yar oo Xasan SHiikh Maxamuud uu dhaafsaday ama ku bedeshay danihii weynaa ee dalka iyo ummadda! Adigu ka feker Xasan SHiikh Maxamuud, meel kasta uu tago wax buu saxiixaa, heshiisyo horumarin lagu sheegay ayuu soo galaa waxna lagama arko, ma garan kartaa sababta?! Wax kale ma aha, waxyaabaha uu horumarinta ku sheegayo waa wax isaga Xasan SHiikh Maxamuud ah iyo qoyskiisa gaar u ah iyo dalka uu heshiskaas la soo saxiixday! Arrinta waxaas oo dhan ka daran ee xanuunka badan waxay tahay inuu ee Xasan SHiikh Maxamuud ka shaqeysto dhiigga iyo dhibaataynta dhallin-yarada Soomaaliyeed, isagoo saami 4.50 doolar ah oo ka baxsan canshuurta dowladda ka qaadanaya si shakhsi ah kilo kasta oo ka mid ah 150-200 ton oo maan-dooriyaha qaatka ama jaadka ah ee soo gala dalka maalin kasta. Waxaana arrin xusid mudan ah in gobolo dhan oo ka mid ah dalka Kenya oo ah meesha ugu badan ee maan-dooriyaha qaatka laynooga keeno laga mamnuuca qaatka taasoo ay sheegeen inuu keeno cuduro halis ah oo soo gaara maskaxda qofka cuna.
Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in Xasan SHiikh Max’uud oo dhalay 19 qof iyo walaalo iyo qaraabo soddomeeyo ku dhow uu u adeegsaday awooddii qeynuuniga ahayd ee loo siiyay inuu dalka ugu adeego uu ku maal geliyo gurigiisa! Waxaa jirta sida ay ku waramaeen ilo xog ogaal ah oo ku dhowdhow Xasan SHiikh Max’ud (Dal-Duleeye) in Ismaaciil Cumar Geelle uu kula taliyay inuu burburiyo dowlad goboleeddada iyo nidaamka federal-ka ah isla markaasna dastuurka dalka bedelaad ku sameeyo oo dalka nidaamkiisa siyaasadeed u bedelo xukun awooddiisa siyaasadeed ay ku urursantahay gacanta xukuumadda kuna dagaalamo inuu xukunka sii joogo si uu u helo awood sharci ah iyo waqti ku filan oo u uku ilaaliyo ama u uku sugo ammaanka hantida uu u boobay qoykiisa!…waxaa kaloo talooyinka uu Geelle siiyay Xasan SHiikh Max’ud ka mid ah inuusan si cad oo bareer ah uga hor iman ama uusan wax uga sheegin Muuse Biix Cabdi iyo qowlaysatada yar ee dalka cadowga ku soo hoggaamisay ee doonaya inay kala gooyaan dalka wuxuun taas ku bedelanayaa inuu helo taageerrada iyo cododka xubnaha xil-dhibaannada ka soo jeeda gobollada Woqooyi ee dalka!
Bal aad qososhidee waligaa ma maqashay dal lagu soo duulay qaranimmadiisii oo difaacii dalka u dhisa guddi noocaan oo kale ah?! “Guddiga Qaran ee Difaaca Madax Banaanida iyo Midnimmada DHuleed ee Soomaaliya” Waxaad moodaa Xasan SHiikh Max’ud inuusan garan sababta xilka loogu dhaariyay iyo shaqadiisu waxay tahay, waxaana halkaas ka muuqda ceeb weyn oo xil-kasnimo yari ah! Bal is weydii muxuu isagu qabanayaa?! Guddigaas oo khalad ku ah dhismaha dowladnimmada dal dhan oo ay u dhanyihiin hay’adihiisa dowladnimo, ayaa hadana waxaad arkeysaa guddiga uu dhisay ama uu magacaabay inay la noqotay xeellad siyaasadeed oo lagu marin habaabin karo shacab 64 sano dowladnimo haystay in ka badanna maamul siyaasadeed iyo dagaal guumeyste ku soo jiray.
Guddigaas uu magacaabay Xasan Shiikh Max’ud, kuma jiro hal qof oo lagu qanci karo inuu guddi noocaas ah haddiiba loo baahdo uu ka mid noqdo, dhankii laga eegaba, mana jirto sabab uu sheegi karo oo uu guddi noocaas ah loo dhiso oo aan ahayn inuu ku qarinayay ugu yaraan mudnaan uu siinayo Muuse Biixi Cabdi iyo qowlaysatada la qabta inay kala gooyaan dalka. Guddiga oo la magacaabay 17kii January 2024kii, inuusan Xasan SHiikh Maxamuud dan ka lahayn, ama aysan jirin wax istaraatiijiyad ah laga lahaa guddigaas, oo uu ahaa hagardaamo keliya waxaad caddeyn u ah, inuusan isagu marna isugu yeerin oo uusan la kulmin, inuusan u xil saarin ama hoos geyn hay’ado ka tirsan xukuumadda oo la shaqeeya, iyo in guddiga aysan ku jirin wax xukuumadda ama dowladda xil u haya marka laga reebo labo xubnood oo ka mid ah xil-dhibaanada, isla markaasna aysan jirin wax tilmaan ah iyo mas’uuliyiin xukuumadda ka tirsan oo shaqada la qaybsanaya oo la sheegay.
Xasan SHiikh Maxamuud, mar keliya golha shacabka ma hor geyn arrintaas, dowlad goboleeddada uma safrin madaxdoodana kalama hadlin, talana ma weyddiin lamana wadaagin, waziiro iyo xil-dhibaano gobollada uma dirin, saraakiisha ciidammada lama tashan, uma yeerin saraakiishii waaya aragga ahaa ee ka fariistay ciidammada, shacabka lama hadlin oo mar keliya ma jiheyn, umana ekeyn inuu daacad ka ahaa dagaalka iyo jawaabaha uu siinayay cadowga balse wuxuu u ekaa walina u dhaqmayaa sidii nin ka cararaya in lala ogaado tallada oo wax u qarsoonyihiin, halka cadowga ay maalin kasta ku jiraan shirar aan kala go’ lahayn iyo wada tashi joogta ah.
Waxaa iyadana xusid mudan, in seddexdii xilli ee u dambeeyay ee is xigay (Baarlamaannadii 9aad, 10aad, 11aad) xil-dhibaannadii dalka soo maray in ka badan 90% ay ahaayeen dad aan xil-kas ahayn oo khayaanay ammaannadii ay ummaddu u dhiibatay, isla markaasna ay mudnaayeen in maxkammad la soo taago! Waxay horseedeen dhaqan xun oo ay meel uga dhaceen wax kasta oo dhaqan suuban ahaa oo ay ummadu lahayd, waxaa ay si bareer ah oo cad, oo ka fog qabka qofka Soomaaliga ah labada gacmood u horsadeen laaluush ay ku bedesheen cahdigii iyo dhaartii ay Alle hortii kula galeen shacabkii ay daashadeen dhibaatooyinkii colaadaha iyo shisheeyaha ku soo duulay, waxaana si gaar ah loogu xasuusan doonaa seddexdaas xilli guddoomiyeyaashii golaha shacabka ee kala ahaa; Max’ed Cusmaan Jawaari, Maxamed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan, iyo Aadan Maxamed Nuur (Adan-Madoobe) oo dhammaantood si ula kac ah u galay KHayaano Qaran iyagoo aan haba yaraatee dareemeyn wax yaxyax ah indhaha shacabka hortooda.
Maxamed Cusmaan Jawaari, wuxuu oggolaaday heshiiskii uu Axmed Maxmuud Siilaanyo ugu wareejiyaya Midowga Immaaradaha yar-yar dekedda Berbera, iyadoo uu markii hore laalay golaha shacabka, waxaana arrintaas u uku raacay un soo jeediyay Xasan SHiikh Max’ud, waxayna taas albaabka u furtay oo fududeysay in Immaaraadka lagu wareejiyo dekedda Boosaaso, waxayna ahayd talaabo khaa’inimo ah oo dalka ay ka galeen Jawaari iyo xil-dhibaannadii baarlamankii 9aad. Maxamed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan, hal mar heshiisyada uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la galay Abiy Axmed iyo guud ahaan Itoobiya ma hor keenin golaha shacabka iyadoo waliba xiriirka labada nin uu ahaa mid uu tuhun badan ku gadaamanyahay…sidaasoo kalana waxaa jiray heshiisyo waaweyn oo khatar ku ahaa dalka oo uu ka mid ah heshiisyadii badnaa ee shirkada shidaalka lala galay oo uusan marna soo hadal qaadain golaha shacabka, iyo guddoomiyihii bangiga dhexe in loo magacaabay Nigel Roberts oo ahaa nin u dhashay dalka Britain, waxyaabahaas oo dhan waxay isaga baaqdeen dar Alle laakiin marnalama hor keenin golaha shacabka waxaana sabab u ahaa ka raali ahaanshaha Mursal oo isaga difaaciyay khaladaadka Farmaajo, waxayna ahayd khayaano ay dalka ka galeen isaga iyo xildhibaannadii baarlamankii 10aad. Aadan Maxamaed Nuur, waxaa u dhammaaday labo sano oo heshiisyo qarsoodi ah lala galay dalal kala duwan kuwaasoo dhammaantood midna la hor keenin golaha shacabka, khatarna ku dalka marka laga tago xatooyada iyo boobka lagu hayo hantida ummadda, waana talaabo khaa’inimo ah oo Aadan-madoobe iyo golaha maanta joogaba ay ka galeen dalka.
Iyadoo muddo 64 sano ah ay ka soo wareegtay sanad guurradii markii uu dalka Soomaaliyeed gobanimmada ka qaatay guumeystaha baa waxaa anfariir iyo waxaan la qaadan kareyn noqotay in taliska guumeystaha madow ee dhiigyo cabka ah Abiy Axmed u uku dhiirrado dhul Soomaaliyeed baan qabsanayaa, wuxuu is moogeysiinayaa in gobolka Soomaaliyeed ee ay maanta haysato Itoobiya aysan xoog ay leedahay inooga qabsan ee guumeysigii Ingiriiska uu u gacan geliyay, wuxuu is moogeysiinayaa in gobolkaas markaan ka xoreynay 1977kii ay u soo gurmmadeen oo la soo safteen ilaa 7 dal oo u uku jiray Midowgii Soviet oo waqtigaas ahaa awood weyn oo calami ah!…Wali dadku waa dadkii, waa kuwii dhiigga diiranaa, waa kuwii weligood madaxoodu sareeyay, waa kuwii uusan weligood guumeystuhu ka guuleysan!
SHacabku way dagaalamayaan!…Wax badan bay dalalka Soomaaliya caawiya innagala hadlaan Al-SHabaab inay argagixiso tahay, wax badan bay maalin kasta askartooda ku shabaaxtantay dhallin-yaro Soomaaliyeed oo dalkoodii jooga, dad shacab ah oo aan wax galabsan, innagana aan run ahaantii innagoo u aragna inay argagixiso yihiin aan shacab iyo dowladba dagaal ku qaadnay waliba si joogta ah illaa iyo maantana uu dagaalkii socdaa, hasa ahaatee hadda dagaalkaas waxaa lama huraan ah in dhaqso loo joojiyo Al-SHabaab iyadana ay shacabka Soomaaliyeed la soo safato soona gasho difaaca dalka!…Gumeysiga kiisa cad iyo kiisa madow waxay ka simmanyihiin hal calaammad oo ay wadaagaan taasoo ah luuqadda ay yaqaanaan oo ah dhawaqa rasaasta uu ridayo guumeysi diidka Soomaaliyeed, shacabka Soomaaliyeedna waa yaqaan dhimashada waxay tahay waana yaqaanaa qaranimmada qiimaha gooya oo ah inuu dhiigga guumeystaha ugu wan qalo!…
Qorshihii ka dambeeyay cuna qabtayntii hubka ee Soomaaliya uu saaray Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, waligiisa waxaa ku gadaanaa shaki iyo tuhun ah in loo af-duubay cadowgoodii soo jireenka ahaa, hasa yeeshee ugu dambeyntii 34 sano ka dib waa caddaaday, laakiin dadka Soomaaliyeed lama gaadin oo waa ku talo galeen, waxayna diyaar u yihiin inay ka jawaabaan dagaalka uu soo abaabulayo DHiigyo-Cabka, maato layska ah ee Abiy Axmed.
Leave a Reply