Shaki badan ayuu abuuray hadal uu jeeday Aby Ahmed- Muxuu ahaa hadalkaas ?

Shaki badan ayuu abuuray hadal uu jeeday Aby Ahmed- Muxuu ahaa hadalkaas ?

Adis Ababa (Raxanreeb ) Ethiopia oo Wabiyada dalkeeda ka baxa dooneysa iney ku beddelato iney wax ka lahaato Badda cas.

Ra”iisul wasaaraha Ethiopia ayaa Baarlamaanka dalkiisa u sheegay, in la joogo waqtigii uu dalkiisu heli lahaa xeebo ay iyagu leeyihiin. Wuxuu sheegay in meel kasta oo uu tago in lagala hadlo Wabiga Nile inuu yahay mid wadaag ah, oo ay dalal kale kala dhaxeeyaan Ethiopia.

Wuxuu yiri “maxaa diidaya haddii ay biyaha Nile ay wadaag yihiin, in Ethiopia ay badda cas wax ka lahaato”. Wuxuu mar kale yiri “Ethiopia majiro dal bariga afrika ku yaalla oo aysan siinin biyo macaan” wuxuu sheegay in Soomaaliya, Kenya, Sudan, South Sudan iyo Eritrea iney Ethiopia siiso biyo macaan.

Haddaba Wabiyada Ethiopia nooga yimaada ayaa marar badan guray, ama daadad sababa qasaare naf iyo maalba leh malaga yaabaa iney tahay qorshe ku talogal ah, oo ay Ethiopia ku dooneyso in lagala xaajoodo ficilkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.